golis

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo magacaabay gudigga dib u furista wadooyinka Muqdisho.

Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Guddigan oo ka kooban 7 xubnood waxa uu u magacaabay in ay sameeyaan talo bixin la xiriirta wadooyinka magaalada Muqdisho ee xiran, gudigga waxaa gudoomiye u ah Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax, waxaa xubin ka ah Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir afar xubnood oo labo ka mid ah ay yihiin ciidanka.

Gudoomiye Cumar Finish ayaa sheegay inuu la tashaday Hey’addaha amniga, lana tixgeliyay baahida loo qabo isu socodka Shacabka iyo Gaadiidka Muqdisho ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo qorshaha waddooyinka xiran ee magaalada, si xal loogu helo sidii dib loogu furi lahaa.

Horseed Media, 2019