golis

Raysal-wasaare khayre oo booqday xeryaha ciidamada ee Degmada Xudur.

Xasan Cali Khayre Raysal-Wasaaradaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo weli ku sugan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa booqday xeryo ay ku jiraan ciidamo ay dawladu u tababarayso in ay la dagaalamaan ururka Alshabaab, deegaanada ay ku xoreeyaan.

Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay ciidamada waxa uuna kula dardaarmey in ay u diyaar garoobaan difaaca iyo xoreynta dhulkooda, waxa uu ku bogaadiyay sidi ay diyaarka ugu yihiin difaaca dhulkooda, dhankiisa waxa uu sheegay in uu dabooli doono baahiyahooda, xaquuqdoodana ay heli doonaan.