golis

New Zealand: Dowlada oo sii adkeysay Sharuucda hubka shacabka heystaan

Raysalwasaaraha New Zealand Ms.Jacinda Ardern ayaa soo bandhigtay sharci cusub oo lagu sii adkenayo xakameynta hubka ku jira gacanta shacabka, lix bilood kadib weerarkii lagu qaaday labo Masaajid oo dalkaasi ku yaal oo lagu dilay in ka badan 50 qof.

Dowlada New Zealand ayaa horey u dhaqan gelisay sharci lagu mamnuucaya qoryaha boobayaasha sharcigaasi oo la dhaqan geliyey asbuucyo gudahood kadib weerarkii 15kii bishii Maarso lagu qaaday labo masjid oo ku yaal magaalada Christchurch oo lagu xasuuqay 51 qof.

Sharcigan cusub oo loo gudbin doono Baarlamaanka dalkaasi 24ka bishan September ayaa qoraya in Diiwaan loo sameeyo hub kasta oo si sharci ah lagu bixiyey, waxaana sidoo kale laga dhigay shatiga hubka 5 sano halkii uu markii hore uu ahaa 10 sano.

Horseed Media
News Desk