golis

Qaxooti Soomaali ah oo laga qaaday Liibiya oo la geeyey Italy

Qoys Soomaali ah oo kamid ah qaxootiga loo qaaday dalka Talyaanig: © UNHCR/Mohamed Alalem

Hay’ada Qaxootiga UNHCR ayaa Khamiistii shalay wadanka Liibiya ka daadgureysay in ku dhaw 100 qof oo qaxooti ah oo muddo dheer ku jiray xabsiyada iyo xeryaha tahriibayaasha ee ku yaal dalkaasi.

Dadkan ayaa noqonaya qeybtii sadexaad oo laga qaado dalka Liibiya oo ay ku xaniban yihiin qaxooti badan oo reer Afrika ah oo doonayey inay u tahriibaan wadamada Yurub.

Qaxootigii shalay la qaaday ayaa u badan Soomaali, Itoobiyaan iyo reer Sudan, waxaana ku jiray in ka badan 50 caruur ah oo uu ugu yar yahay wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Yusuf oo 7 bilood jir ah kuna dhex dhashay xerada Tahriibayaasha.

Horseed Media
News Desk