golis

Jubaland oo ka hadashay Nabadoon xalay lagu dhaawacay Kismaayo.

Maamulka Jubaland ayaa ka hadlay dhaawac xalay bartamahaa magaalada Kismaayo loogu gaystay Nabadoon Avv. Axmed Jaamac Qalyar oo ka mid ahaa odayaasha sida wayn looga yaqaano Jubaland, sidoo kale waxa uu xubin ka ahaan Golaha la baxay Badbaadada Jubaland.


Nabadoonka ayaa waxaa dablay hubaysani dhaawac u gaysatay, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaal ku yaala Magaalada Kismaayo, Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dhaawaca nabadoonka, isagoo xusay in xaaladiisa ay ka soo reyneyso. Qaar ka mid ah cuqaasha iyo siyaasiyiinta Jubaland ayaa falkaas canbaareeyay.

Horseed Media, 2019.