golis

Masuuliyiin ka tirsan Hir-shabeele oo ku dhintay qarax lala eegatay.

Sawir Hore

Qarax miino oo ah nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka Hir-shabeele sida la xaqiijiyay, Qaraxaan ayaa ka dhacay in u dhaxaysan deegaanka Gololey iyo Jowhar. dadka qaraxaan ku dhintay waxaa ka mid ah Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdilaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir-shabeelle Sabriye Cusmaan.


Kolonyada lala eegtay qaraxa waxaa sidoo kale ku dhintay Xasan Baldoos oo isagu la shaqaynayay Hay’adaha Samafalka, Masuuliyiinta Hir-shabeele ayaa qaarkood ka tacsiyeeyeen geerida ku timi masuuliyiintaan, dawlada ayaa faahfaahin rasmi ah weli ka bixin khasaaraha qaraxa.

Horseed Media, 2019