golis

Muuse Biixi oo sheegay in Berbera Laga Hirgalinayo Garoonka ugu weyne Geeska Afrika [DAAWO]

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Garoonkii diyaaradaha  magaaladda Berbera  ee Imaraadku dhisayeen in laga wareejiyay ciidamadii oo loo bedelay mid shibil ama shacab.

Wuxuu sheegay in airpoorkaas oo hore Imaraadka loogu wareejiyay uu noqon doono midka ugu weyn geeska afrika,

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu yahay, Ciidankii waan ka wareejiyey oo waa Shibil Maanta…..” Ayuu yiri  Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna sii raaciyay

“ Toddobaadkan waxaa imaanaya shirkadii dhisaysay Taawarka, keenaysana qalabkii ay ku soo degayeen diyaaraduhu., wuxuu noqon doonaa garoonka ugu weyn, waa 5km oo dhinac walba u ballaaran oo cusub, marka qalabkiisa lagu daro wuxuu noqon doonaa Garoon ka shaqo badan dekeda Berbera oo diyaaradaha caalamku ka qaadaan alaabta una gudbiyaan dalalka , ka dheereeye Tareenka iyo baabuurta” ayuu sii raaciyay

Garoonka diyaaradaha ee Berbera oo adeegsan jireen ciidamadii milateriga dowladiii dhexe ee Somaliya waxaa dhisay dowladihii Midowgii Sofiyeet bilowgii 70aadkii ee qarnigii tegay.