golis

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ” Dhagxaanta ku go’an wadooyinka Waa la qaadayaa ”

Cumar Maxamed Maxamuud Finish Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan ay isugu yimaadeen ururada Haweenka ayaa sheegay in mar dhaw ay dib u furi doonaan wadooyinka xiran oo uu sheegay in ay caqabad ku noqdeen isu-socodka dadka iyo ganacsiga caasimada.


Cumar Finish waxa uu sheegay in dhawaan ay magacaabeen gudi aqoon-sare leh dhawaan ay rajaynayaan in ay furaan wadooyinka ay dhagxaantu ku go’anyihiin ”Dhagxaanta ku go’an wadooyinka ee xanibay ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka waa la qaadi doonaa dhowaan, Caasimada oo carqaladaysan waa dalka oo carqaladaysan” ayuu yiri gudoomiye Cumar Finish.


Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in meelo aan ka fogayn caasimada laga soo abaabulo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, shacabka ayuuna ugu baaqay in ay dawlada kala shaqeeyaan sugidda Amniga.

Horseed Media, 2019.