golis

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Magaalada Dhuusa-Mareeb.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Gal-mudug sida ay sheegeen wafti hordhac u ah socdaalka Madaxweynaha oo shalay gaaray Magaaalada Dhuusa-mareeb.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xiritaanka shirwaynaha dib-u-heshiisiinta beelaha dega Gal-mudug oo mudo ka socday dhuusa-mareeb kaas oo ay ka qayb-galeen 500 oo ergo ah, Madaxweynaha ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaadan doona cuqaasha iyo waxgaradka beelaha degga Gal-mudug mudada uu joogo dhuusa-mareeb.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mudo waday dadaalo la xiriira sidii dib u heshiisiin loogu samayn lahaa beelaha degga Gal-mudug, ayna u wada dhisan lahaayeen maamul loo wada dhanyahay, Raysal Wasaare Khayre ayaa dhawr-jeer isaguna booqday deegaanada Gal-mudug, isagoo soo daah-furay shirkaan uu soo xiri doono madaxweyne Farmaajo ee dib-u-heshiisiinta loogu samaynayo beelaha wada degga Galmudug.

Horseed Medai, 2019