golis

Shirka Maal-gashiga Puntland oo ka furmay Garoowe.

Magaalada Garoowe caasimada Puntland maanta waxaa ka furmay shir heerkiisu sareeyo oo loogu talagalay in Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Ajaaniibta ay ku dhiiradaan in ay maagashadaan Puntland, Shirkaan ayaa lagu soo bandhigayaa Fursadaha ganacsi ee Puntland ka jira iyo sida ay dawladu iyo shacabku diyaar ugu yihiin in ay soo dhaweeyaan cid kasta oo Maalgashanaysa Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Ku xigeenkiisa, Xubnaha Dawlada, Ganacsato waaweyn oo Soomaaliyeed, Ajaaniib ka socota Wadamada Africa, China, Carabaha iyo wadamo kale ayaa ka qaybaglaya Kulankaan, waxaana ay daraasayn doonaan fursadaha ganacsi ee ka banaan Puntland.

Shirka oo socda waxaa uu maanta u badnaan doonaa furitaan iyo xog is waydaarsi, waxaana Khudbado kala duwan goobta ka soo jeediyay Gudigga qaban-qaabada shirka Maalgashiga Puntland, Gudoonka Rugtada Ganacsiga, Aqoonyahano , Ganacsato iyo Madax kala duwan waxayna si qoto dheer uga hadleen ahmiyada uu leeyahay Shirkaan, iyagoo tilmaamey in Puntland ay diyaar u tahay in maal-gashi lagu sameeyo, Ganasatada Soomaaliyeed iyo Ajaaniibtuna ay aaminaan dhulka Udugga.

Horseed Media, 2019