golis

Midawga Yurub oo dib u bilaabi doona Dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacayo.

Kulan dhex-maray Madaxda Midawga Yurub Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay sidii Midawga Yurub dib ugu bilaabi lahaa Mashruuca Wadada Isku xirta Garoowe iyo Gaalkacayo kaas oo la joojiyay 5-September 2018 ka dib markii xukuumadii talada haysay lagu eedeeyay Musuqmaasuq.


Safiirka Midawga Yurub Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa xaqiijiyay in mashruucaas dib loo bilaabi doono, Midawga Yurub ayaa ku deeqay lacag dhan 21 Malyan oo dollar halka dawlada Germany ay iyadanu bixinayso 3 malyan oo dollar. Guud ahaa dhismaha wadadaan ayaa waxaa ku baxaysa 21 Malyan oo dollar sida lagu sheegay daahfurkii mashruucaan oo dhacay 11-Maarso 2015.

Horseed Media, 2019.