golis

Italy: 2 Sarkaal oo maxkamad loo soo taagay Tahriibayashii badda ku dhintay

Maxkamada Talyaaniga ayaa markii ugu horeysay bilowday Maxkamadeynta labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada Badda oo lagu eedeeyey inay u gurman waayeen boqolaal tahriibayaal ah oo ay doonidooda badda ku degtay sanadkii 2013.

Shilkaasi ay ku dhinteen in ka badan 260 Tahriibayaal ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 60 caruur ah ayaa dhacay 11kii Oktoober 2013, waxaana la sheegay in dadkaasi codsadeen in loo soo gurmado, balse ciidamada badda ay muddo saacado ah eeganayeen doonidaasi oo ugu danbeyntii badda ku degtay.

Labadan sarkaal oo lagu kala magacaabo Leopoldo Manna iyo Luca Licciardi ayey xeer illaalinta kusoo eedaysay inay hawshoodii gabeen, waana saraakiishii ugu horeysay oo Talyaani ah oo maxkamad loo soo taago dadkii badnaa ee badda ku dhintay.

Qareenada u doodaya qoysaska Tahriibayaashaas ayaa sheegay inay doonayaan in ay cadaadlad helaan dadkii ay ka tageen marxuumiintii ku dhintay shilkaasi oo ahaa shilkii ugu xumaa oo ay tahriibayaashii ugu badanaa ay ku dhintaan.

Halka qareenada difaacaya Saraakiishan ay eeda shilkan dusha ka saareen Ciidamada badda ee dalka Malta oo ay sheegeen inay iyagu ahaayeen kuwa qaabilsan gurmadka deg dega ah ee loo fidiyo dadka tahriibayaasha ah.

Horseed Media
News Desk