golis

Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka gudoomiya Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee wadanka Mareykanka Ambassador Cali Shariif Axmed oo dhawaan la magacaabay.

Amb. Cali Shariif Axmed ayaa Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka kula kulmay Madaxweynaha Trump. Wuxuuna Safiirka cusub noqon doonaa kii 3aad oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya u magacowdo dalka Maraykanka intii ay ka baxday xukuumada KMG-ka.

Xilkaasi ayaa waxaa baneeyey Ambassador Axmed Cawad oo hada ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Soomaaliya.

Xukuumadii hore ee Maraykanka ee Barack Obama ayaa bilowday inay qaabisho safiirada Maraykanka wixii danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya iyo dagaaladii Sokeeye xiligaasi oo safiirka loo magacaabay uu ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo markii danbe noqday Raysalwasaaraha Soomaaliya.

Horseed Media
News Desk