golis

War-Murtiyeed kasoo baxay Shirkiii dib u heshiisiinta Dhuusa-Mareeb.

Magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir dib u heshiisiineed oo u dhaxeeyay beelaha wada degga Maamulka Gal-mudug, Shirkaan ayaa laga soo saaray 7 qodob oo ay ku heshiiyiin kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen in la wada dhiso Maamul loo wada dhanyahay sidoo kale in dib u eegis lagu sameeyo hanaankii lagu soo dhisay maamulka Galmudug.


Ergada shirka dib-u-heshiisiinta waxay isku raaceen in dawlada dhexe ay dhamaystirto waxyaabaha ka dhiman nabadaynta iyo dhamaystirka Maamulka Galmudug, Beesha caalamka iyo dawlada ayaa laga codsaday in sida ugu dhaw ay uga hawlgalaan taageerida Galmudug iyo dib u dhisida kaabyaasha Dhaqaale ee deegaanadaas.


Musharaxiin kala duwan ayaa ku loolamaya xilka madaxweynaha Maamulka Galmudug, dhawaan ayaa lagu wadaa in la dhiso xildhibaanada maamulka Galmudug.


Horseeed Media, 2019