golis

Afghanistan: Talibanka oo 48 qof ku dilay qaraxyo iyo Madaxweyne Ghani oo ka badbaaday

Kooxda Talibanka ayaa sheegatay labo weerar ismiidaamin oo Salaasadii shalay lagu qaaday banaanbaxyo ololaha Doorashada Madaxweynaha Ashraf Ghani oo markale xilka u tartamaya.

Weerarka kowaad ayaa ka dhacay magaalada Charikar, caasimada gobalka Parwan ee waqooyiga dalkaasi, waxaana loo adeegsaday mooto lasoo saaray bambaano oo lagu qarxiyey goobtaasi oo uu ku sugnaa Madaxweyne Ghani walow uu Madaxweynaha ka badbaaday weerarkaasi oo ay ku dhinteen 26 kuna dhaawacmeen in ka badan 40 ruux.

Weerarka labaad ayaa ka dhacay caasimada Kabul gaar ahaan xaafada Green zone oo ay degen yihiin diblumaasiyiinta goobtaasi oo ay ku yaalaan xarumaha Wasaaradaha iyo Safaaradaha, weerarkaasi ayey ku dhinteen 22 qof waxaana ku dhaawacmay 38 qof oo kale.

Weeraradan ayaa lagu soo beegay kadib markii asbuucii lasoo dhaafay uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump sheegay in la joojiyey wadahadalkii ay kula jireen kooxda Talibanka.

Horseed Media
News Desk