golis

Madaxweyne Deni: Shacabka waa inay soo jiitaan maalgashiga Caalamiga ah [Daawo]

Madaxweynaha dowlada Puntland ee Soomaaliyeed Siciid Cabdullahi Deni oo booqday magaalada Garacad ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso hawsha dhismaha dekada Garacad.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in mashruuca dekada Garacad uu kamid ahaa mashaariicda waaweyn oo ay sida weyn u hadal hayaan shirkadaha iyo dadka doonaya inay wadanka maalgashadaan.

Deni ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay soo jiitaan Maalgashiga caalamiga ah, taasina ay ku keeni karaan in Amniga la adkeeyo isla markaana lasoo dhaweeyo dadka doonaya inay dhulka yimaadaan ama soodagaan.

Muuqaal Daahfurka Wejiga Labaad ee Dekedda Garacad

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo daah-furay wejiga labaad ee Dhismaha Dekadda Garacad.

Posted by Puntland State House on Wednesday, September 18, 2019

Horseed Media
News Desk