golis

Raisal Wasaare Khayre oo booqday Dhaawacyada ku jira cisbitaalka ciidamada Xooga Dalka.


Xasan Cali Khayre Raysal-Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Booqasho ku tagay Cisbitaalka Ciidamada Xooga Dalka kaas oo ay ku jiraan ciidamo ku soo dhaawacmay dagaalo kala duwan oo ka dhacay qaybaha wadanka.


Xasan Cali Khayre ayaa mid mid u booqday bukaanada cusbitaalka ku jira isagoo ka waraysay xaaladooda caafimaad, waxa uuna ilaah uga rajeeyay in uu caafimaad taam ah siiyo, waxa uu xusay in dawladu ay dhinac taagan tahay masuuliyadna iska saarayso baxnaaninta iyo dawaynta ciidamada qaranka.


Sidoo kale Raysal-wasaaruhu wuxuu warbixino ka dhagaystay Maamulka iyo shaqaalaha cusbitaalka, waxay la wadaageen xaalada guud, shaqooyinka ay wadaan iyo baahiyaha jira. isaguna waxa uu ku bogaadiyay dadaalada ay wadaan iyo sida ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqaynayaan.

Horseed Media, 2019