golis

Maraykanka oo ciidamo ku xoojinaya Sacuudiga iyo Imaaraatiga

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa go’aansaday inuu ciidamo dheeraad ah u diro dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatiga kadib weerarkii asbuucii hore lagu qaaday xarumaha shidaalka ee wadanka Sacuudiga.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah dadaal lagu doonayo in lagu xoojiyo difaac cirka ee wadamadaasi oo taageerada ka codsaday Maraykanka.

Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Mark Esper ayaa sheegay in ay dhici karto Maraykanka inuu mustaqbalka qaado tilaabooyin kale oo loogu jawaabayo Iran balse xiligan Madaxweynaha Maraykanka Trump waa uu kasoo horjeedaa dagaal lala galo Iran oo dhaawac ku keeni karta dhaqaalaha dalka Maraykanka iyo ololihiisa doorashada 2020.

Horseed Media
News Desk