Tifaftiraha Horseedmedia oo Holland Uga Qaybgalay Tababar ku Saabsan Ka Hortega Xagjirnimada

Published: September 22, 2019

Tifaftiraha warbaahinta Horseedmedia Cumar Siciid Maxamed ayaa wadanka Holland uga qaybgalay Tababar ku saabsan Sida loo soo Saaro barnaamijyada iyo fariimaha ka hortega xagjirnimada.

Tababarkan oo soconaya muddo saddex toddobaad ah waxaa bixinaysaa machadka RNTC ee holland, waxaana ka qaybgalay suxufiyiinta ka kala socda wadamada  Somalia, Nayjeriya, Kenya, Ugandha, Tanzania, Indonesia, Liibiya iyo dalka Sierra Leone

“ Sharaf weyn bay u tahay anniga iyo warbaahinta Horseedmedia inaan sanadkan ka qaybgalo tababarkan oo ah mid caalami ah oo lagu baranayo sida loo soo Saaro barnaamijyo iyo fariimo looga hortego fikiradaha xagjirnimada, waxaa kaloo lagu baranayaa farsamooyinka lagu ogaanayo borobogaanadada , waxaa tabaarkan bixinaysa machadka RNTC  ( Radion Natherland Training Center)” sidaas waxaa Yiri Tifaftiraha Horseedmedia Omar Mohamed.

“ Dhalinyaro tiro Badan oo da’ yar ayaa ku biira kooxaha Alshabaab iyo ISIS ee Somaliya , kuwaasoo laga dhaadhiciyo inay diinta islaamka  kor u qaadayaan  oo soo celinayaa sharaftii diinta iyo kitaabka quraa. Warbaahinta door weyn bay ka ciyaari kartaa sidii looga hortegi lahaa in faafitaanka fikradaha xagjirnimada ee Dalkeena” ayuu sii raaciyay Tifaftiraha Horseedmedia

Kumaankun qof oo rayid ah oo Somaliyeed oo aan waxba galabsan ayaa ku dhintay qaraxyo iyo weeraro ay gaystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab iyo ISIS.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *