golis

Dawlada Federaalka ah oo hakisay guud ahaan duulimaadyada Kismaayo.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba hakisay duulimaadyada diyaaraduhu ay ku tagi jireen Kismaayo laga bilaabo maanta oo ku beegan 23 September illaa 26 September ee 2019, waxaana la faray Shirkadaha duulimaayada in uusan jirin wax duulimaad ah oo tagaya Kismaayo inta lagu guda jiro mudadaas ay xanibaada saaran tahay, wixii ka dambeeyana dib loo fasixi doono duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo.

Talaabada dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ay qaaday ayaa lagu sababaynayaa in ay joojinayso wufuud rabay in ay ka qaybgalaan Caleema saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Dawlada ayaa horay u sheegtay in aysan aqoonsanayn doorashada ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Horseed Media, 2019