golis

Puntland – Daacish oo soo bandhigtay ciidamo cusub

Warbaahinta ku hadasha afka dagaalamayaasha kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysata buuraha gobolka Bari, ayaa soo bandhigay xubno cusub oo ku biiray kooxdaasi, iyagoona tababar loo furay.

Kooxda ayaa soo bandhigay sawirada dagaallamayaal ku hubaysan hubka fudud, waxayna  sheegeen in ay tababar ku qaadanayan xero ciidan oo ku taalla buuraleyda gobolka Bari, ee koonfur uga aadan magaalada Boosaaso.

Daacish ayaa sheegtay in xerada lagu tababarayo ciidamadan cusub ay u bixiyeen “Xerada Dawoud al Somali” waxaana ay ugu magac-dareen tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay.

Dhaq-dhaqaan ciidan ee ay Daacish ka wado buuraha gobolka Bari, waxay marag fur u noqonaysaa, warbixin ay dhawaan soo saareen taliska ciidamada Maraykanka Africa ee (AFRICOM ) taasi oo sheegaysay in ” garabka Daacish ee Soomaaliya ay weli ku biirayaan dagaallamayaal cusub.”

Taliska AFRICOM ayaa waxay dhowr jeer duqaymo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha la hayn ku dileen madax iyo ciidamo ka tirsan kooxda isa sii balaarinaysa ee Daacish.