golis

New York – Madaxwaynaha Soomaaliya oo abaalmarin la gudoonsiiyay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada New York ee cariga Mareykanka ayaa la guddoon siiyay abaalmarinta sanadlaha ah ee hoggaaminta suubban ee Concardia, sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida la sheegay waxaa abaalmarintan la qeybsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki, iyagoo ku mutaystay kaalintii ay saddexda hoggaamiye ka qaateen nabadaynta iyo is dhexgalka dhaqaale ee Geeska Africa.

Abaalmarintan Concardia ayaa ah abaalmarin sanadle ah taas oo sannad kasta la guddoonsiiyo hoggaamiyeyaasha Caalamka, kuwooda ku guulaysta shuuradaha bixinta abaalmarintan.