Al-Shabaab oo sheegatay dilka sargaal ka tirsanaa ciidamada Danab.

Published: October 3, 2019
Marxuum Maxamed Cali Cusmaan [ Yariisow ].

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada si khaaska ah loo carbiyay ee Danab iyo 5 askari oo la socday ayaa ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan miino oo ahaa mid lagu asaasay bartamaha wadada ay ciidanku marayeen.

Taliyahan geeryooday ayaa sida la sheegay waxaa uu kamid ahaa saraakiil dhalinyarada ah ee ugu firfircoon ciidamada kumaandoosta Soomaaliya, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Cusmaan [ Yariisow ].

Yariisow ayaa inta uusan geeryoon waxaa uu ahaa taliyaha cutubka 3-aad ee ciidamada kumaandoosta Danab, waxaa lagu tilmaamay nin geesi ahaa, kana qayb-qaatay howlgalo kala duwan, oo ay kamid ahayd xorayntii magaalada Marka

Weerarka Miino ee lagu dilay Sarkaalkan iyo askarta la socotay ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo muddooyinkan kordhisay qaraxyada miino ee ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *