golis

Australia oo safiir cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Dowladda Australia ayaa safiir cusub u soo magacaabatay dalka Soomaaliya, sida ay shaacisay wasaaradda arimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya.

Marwo Alison  Chartress ayaa loo magacaabay safiirka cusub, waxayna todobaadkan socdaal ku timi magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Alison waxaa warqadda aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay wasiiru-dowlaha wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed-khayr Cabdi.

Safiirka cusub ayaa Taladaadii aynu kasoo gudubnay oo ku beegnayd 1-October ee sanadkan, waxay Muqdisho uga qayb-gashay shirwaynaha iskaashiga Soomaaliya iyo saxiibadeeda beesha caalamka.

Chartress ayaa noqonaysa safiirka Australia u fadhin doonta dalalka Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Burundi.