IRAQ: Bandow lasoo rogay kadib banaanbaxyo keenay dhimasho iyo dhaawac

Published: October 3, 2019

Dowlada Ciraaq ayaa maanta oo Khamiis ah bandow kusoo rogtay qaar kamid ah magalooyinka koonfurta dalkaasi oo ay maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen mudaharaadyo dowlada looga soo horjeedo oo ay dad ku dhinteen.

Ugu yaraan 9 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen banaanbaxyada rabshadaha wata oo sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Caasimada Baqdaad iyo magaalooyin kale.

Sideed qof oo rayid ah iyo hal askari ayaa shalay ku dhintay iska horimaad Arbacadii ka dhacay magaalada Nasriya, kadib markii ay ciidamada rasaas ku fureen shacabka ka mudaharaadaya xaalada nolosha dalkaasi iyo musuq maasuqa dowlada uu hogaamiyo Raysalwasaare Adel Abdel Mahdi oo xilka haya muddo 1 sano ah.

Inkastoo ay dowlada soo rogtay bandowgan ayey hadana shacabka sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxa ay ku muujinayaan inaysan helin wax adeeg dowladeeda ah oo ay u dheertahay koronto la’aan iyo biyo-yaraan ka jirta magaalooyinka waaweyn.

Horseed Media
News Desk

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *