Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal cusub oo loogu talo galay Maraakiibta Gujiska

Published: October 3, 2019

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay ku guuleysatay Gantaal cusub oo ay ugu talo gashay inay xambaaraan maraakiibtooda bad hoosteeda mara ee Gujiska, gantaalkan oo loo yaqaan SLBM  ayaa qaadi kara bambaanada Nukliyeerka.

Xukuumada Kim Jong UN ayaa kusoo beegtay tijaabadan xili lagu wado in maalmaha soo socda uu dib u furmo shirka fool ka foolka ah oo ay yeelanayaan saraakiisha ka socota dalkaasi iyo kuwa Maraykanka.

Dalka kuuriyada Waqooyi ayaa dadaal ugu jira inuu helo noocyada kala duwan ee Gantaalada hubka nukliyeerka qaada sida kuwa dhulka laga tuuro, Badda iyo cirka si ay uga gaashaantaan duulaan uga imaan kara Maraykanka iyo xulafadiisa.

Horseed Media
News Desk

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *