Madaxwaynaha Jubbaland “Hannaanka siyaasada loo dhan yahay dalka kama jirto”

Published: October 3, 2019
Madaxwayne Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo khudbad dheer ka jeediyay xaflad loogu dabaal-degayay 4 sano guuradii kasoo wareegtay xiligii la asaasay warbaahinta Jubbaland Tv ayaa mar kale ka dhaliilay dowladda dhexe ee dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in hannaanka siyaasadda loo dhan yahay aanay dalka ka jirin, isagoo caddeeyay in wixii ka soo baxa Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho aanay anfaceynin dadka Soomaaliyeed.

Madoobe ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in arrimaha masiiriga ah heshiis laga gaaro, sida doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka.

Hannaanka deyn cafinta Soomaaliya ayuu sheegay in dalka uusan ka dhaqan gali karin, iyadoo madaxda dowladda Federaalka ku tumanayaan sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

ÔÇ£Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda FederaalkaÔÇØ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo dhoweeyay madasha looga dhawaaqay Muqdisho ee ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda,

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *