Mareykanka oo dib u furay safaaradiisii Muqdisho

Published: October 3, 2019
Donald Yamamoto

Mareykanka ayaa dib u furay safaaradii uu ku lahaa Magaalada Muqdisho.

Safaaradda ayaa xirneyd mudo ku dhaw 30 sano, waxaana la xiray markii Soomalaiya ka qarxay dagaalkii sokeeye.

Bayaan kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib u aas-aasidda safaaradda uu goobjoog ka ahaa safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Yamamoto ayaa sheegay in tallaabada dib loogu aas-aasay safaaradda ay ÔÇ£ Dib u xaqiijineyso xiriirka ka dhaxeeya shacabka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliya.ÔÇØ

Safiirka ayaa yiri ÔÇ£ Waa ahmiyad weyn oo taariikhi ah, oo caddeyn u ah horumarka ay Soomaaliya sameysay sanadihii dhowaa.ÔÇØ

Qoraalka howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa intaas ku daray ÔÇ£Tani waa tallaabo kale oo loo qaaday sii wadidda xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka uu la leeyahay Muqdisho tan iyo markii sanaddii 2018 la aqoonsaday dowladda Soomaaliya.ÔÇØ

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *