Puntland Oo Mar Kale Ku Eedaysay DFS Inay La Dirirayso Nidaamka Federaalka

Published: October 3, 2019

Gollaha wasiirkadda xukuumadda Puntland oo maanta shirka khamiis laha ah ku yeeshay Magaaladda Bosaso ayaa walaac ka muujiyay waxa ay ugu yeereen habdhaqan cusub oo dowladda Federaalka la soo banbaxday kaasi oo lagula diririayo nidaamk federaalka Soomaaliya.

Shirka gollaha wasiiradda oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale lagaga dooday , Xaaladda amniga Puntland, Xaaladda Siyaasadeed Soomaaliya iyo dib eegista diiwaanka siyaasadaha iyo xeerarka Puntland, dhismaha goleyaasha degaanka iyo warbixino kale

ÔÇ£ Wuxuu goluhu walaac ka muujiyey hab-dhaqanka dowladda federaalka ee la soo banbaxday oo ay kula dirirayso Federaaliisimka, taasi oo dhaawac weyn ku hanaanka geedi socodka Siyaasadda SoomaaliyaÔÇØ

Gollaha wasiirada Puntland waxay sheegeen in nidaamka federaalku uu yahay midka kaliya ee lagu wada heshiiyay, islamarkaana federaaliisku uu ka mid ah jiraan goÔÇÖaanada Masiiriga ah ee Puntland

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *