golis

Taaj qarnigii 18-aad laga xaday Ethiopia oo dib loo celinayo

Sirak Asfaw (Bidix) iyo Arthur Brand (Midig) waxay ka shaqeynayaan sidii Taajka dib loogu celin lahaa Itoobiya

Dalka Ethiopia ayaa dib loogu celinayaa taaj laga xaday qarnigii 18-aad, ooo laga helay guri ku yaala carriga Netherlands, sida ay baahisay BBC.

Sirak Asfaw oo u dhashay dalka Ethiopia isla markaana ku nool Netherlands ayaa dabayaaqadii toddobaatamadkii hore arkay nin taajkan sita, wuxuuna ogaaday in lasoo xaday.

“Waxaa la joogaa xilliggii ugu haboonaa ee dib loo celin lahaa taajka si ay dib ula wareegaan dadkii lahaa oo Ethiopia-ka ah” ayuu Sirak Asfaw u sheegay BBC-da.

Taajka laga xaday Ethiopia

Taajkan wuxuu kamid yahay taajajka dhifka iyo naadir ah ee laga helo Dunida, waxaana ku xardhan astaanta masiixiyiinta. Waxaana Taajka lagu ilaalinaya guri si weyn ammaankiisa loo adkeeyay tan iyo inta dib looga celinayo Itoobiya.