Guddoonka Golaha Shacabka oo shaaciyay xiliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad

Published: October 5, 2019

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Guddoomiyahah Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu shaaciyay waqtiga uu furmi doona kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka.

Sida ku cad war-saxaafadeedka kalfadhiga 6-aad ee golaha shacabka ayaa furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo socota kuna taariikheysan 09-ka October 2019.

Qoraalkan oo uu soo saaray Gudoomiye Mursal oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiisay Horseed Media ayaa lagu faray xildhibaannada in ay si deg deg ah dalka ugu soo laabtaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *