Muwaadinad Ruush ah oo arrimo basaasnimo loogu xiray Iran

Published: October 5, 2019
Wariye Yulia Yuzik

Wasaarada arrimaha dibadda Ruushka ayaa u yeertay danjiraha Iran u fadhiya Moscow ka dib markii saxafi u dhalatay Ruushka lagu xiray Tehran.

Wasaaradadda ayaa sheegtay in ay Iran ay ka doonayaan inay sharaxaad ka bixiyaan sababta loo xiray Yulia Yuzik.

Warbaahinta ayaa ku warameysa in maxkamad la soo taagi doono sabtida wariye Yulia Yuzik, waxaana lagu wadaa in lagu soo oogo dacwado ay ka mid yihiin inay u basaas u ahayd IsraaÔÇÖiil.

Maalinimadii Khamiista ayaa gabadhan wariyaha ah la qabtay xili ay kasoo degtay madaarka, iyadoo lagala wareegay baasaboorkii ay wdatay.

Waxaa sidoo kale ay wararku sheegayaan in markii dambe ay ciidamada ka soo xireen hotelkii ay daganeyd.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *