Soomaaliya oo ka qayb-galaysa dhismaha booliiska Africa

Published: October 5, 2019
Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xajaar

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa sheegay inay ku howlan yihiin qorshe dib u dhis xooggan iyo qalabayn loogu sameynayo Ciidanka.

Xajaar oo ka hadlay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cadeeyay  inay ka qayb-noqon doonaan dhismaha booliiska Africa oo haantan lagu yigleelayo carriga Algeria, isla markaana una direen saraakiil.

Taliyaha ayaa intaas ku daray  inay sare u qaadi doonaan, tirada, tayada, gaadiidka, isgaarsiinta iyo qalabka boliiska, si uu u yeesho awood intaa ka ballaaran.

Wuxuu  sheegay in ciidamada boliiska Soomaaliyeed uu ka  mid yahay Inter Pol-ka, (International Police), xafiisna ay ku  leeyihiin Muqdisho.

Sareeye Gaas Cabdi Xasan, taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  ayaa intaa ku daray in dhawaan ay magaalada Nairobi ka furi doonaan xafiis ay ku mideysan yihiin boliiska bariga Africa, wuxuuna sheegay in  ay rajeynayaan in ay Soomaaliya madax ka noqoto hoggaanka waddamada gobolka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *