golis

Turkiga oo Soomaaliya u tababaraya ciidamo ka hortaga qaraxyada

Ciidamada tababarku u socdo

Magaalada Izmir ee dalka Turkiga waxaa tababar ku saabsan la dagaalanka argagixisada uga socdaa ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliyeed .

Tababarkan ayaa isugu jira bur-burinta iyo ka hortagga miinooyinka dhulka lagu aaso, baarista goobaha dambiyada ka dhaca iyo howlgalada gaarka ah.

Ciidamadan ayaa la sheegay in muddo bilo ah uu tababarka u socday, waxaana ay isugu jiraan qeybo kala duwan oo marba tababaro gaar ah lagu siinayo goobaha buuraleyda magaalada Izmir.

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga qeyb qaadaneysay tababarka ciidamada qalabka sida, waxaana ay boqolaal askari ay ku soo tababartay dalkeeda kuwaasoo isugu jira ciidamo boolis iyo ciidamo milateriga kumaandooska.