Iraq iyo Pakistan oo dhex dhexaadinaya Sacuudiga & IRAN

Published: October 6, 2019

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa la sheegay inuu ogolaaday in waan waan laga dhex bilaabo dhinacooda iyo dowlada Iran.

Raysalwasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa la sheegay inuu wado dadaal uu doonayo in la isugu keeno miiska wadahadalka hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Iran oo uu labaduba la kulmay todobaadyadii lasoo dhaafay.

Imran Khan oo dalka Sacuudiga booqday maalmo kadib weerarkii 14kii September lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sacuudiga ayaa la sheegay inuu ogolaansho ka helay Maxamed Bin Salman oo u sheegay inuusan diyaar u ahayan inuu dagaal la galo wadanka Iran.

Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa weeraradii lagu qaaday xarumaha shidaalka ku eedeeyey Iran, walow ay weeraradaasi sheegteen kooxda Xuuthiyiinta Yemen. Balse Maraykanka oo diiday inuu jawaab militari ka bixiyo falkan ayaa ku khasabtay Sacuudiga inuu ogolaado waan-waan.

Hogaamiyaha Pakistan Mr.Khan ayaa intuu socday shirkii Golaha Qaramada Midoobay ee New York, kulamo gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Iran Xasan Rowxani, waxaana la sheegay in labada dhinaca Sacuudiga iyo Iran ay soo dhaweeyeen dadaalka ay wado dowlada Pakistan.

Sidoo kale dalka Ciraaq oo kamid ah dalalka Carabta ee xiriirka dhaw laleh Iran ayaa horey u sheegay inay doonayaan inay ka qeyb qaataan sidii loo heshiisiin lahaa Sacuudiga iyo Iran oo xiisada u dhaxeysa ay tahay midda saameynta weyn ku yeelatay dalalka khaliijka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *