China oo ka baxday heshiis maalgashi ee Batroolka IRAN

Published: October 7, 2019

Shirkada Batroolka ee dowlada China ayaa la sheegay inay isaga baxday heshiis Maalgashi oo ay la gashay dowlada Iran, goÔÇÖaankan oo la sheegay inuu la xariiro cadaadiska iyo cunaqabateynta Maraykanka uu saaray wadanka Iran.

Wasaarada Batroolka ee Iran ayaa maanta oo Isniin ah xaqiijisay in Shirkada China laga leeyahay ay horey heshiis maalgashi oo gaaraya 5 Bilyan oo dollar kula gashay wadanka Iran mashruuca balaarinta xarumaha Gaaska laga soo saaro badda Iran.

China ayaa xiligan dagaal ganacsi kula jirta Dowlada Maraykanka oo canshuur dheeraad ah kusoo rogtay qalabka ay u iibgeeyaan dalkaasi, waxaana hada socda gorgortan u dhaxeeya Maraykanka iyo China balse aan weli lagu heshiin, waxaana loo badinayaa in goÔÇÖaanka China ay uga baxday Iran la xariirto gorgortanka ay kula jiraan Maraykanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *