Kenya – Deegaanka Lamu oo lagu dilay sargaal ciidan

Published: October 7, 2019
Saraakiisha ciidamada Kenya

Wararka Ka imaanaya deegaan katirsan Gobalka Lamu ayaa sheegay in halkaasi laga helay meydka sarkaal katirsanaa ciidamada booliska Kenya.

Sarkaal u hadlay booliiska dalka Kenya oo lagu magacaabo Hilary Mutyambai ayaa sheegay in mayka sargaalkan muddo la baadi goobayay, ugu danbayntiina la helay maydkiisa oo qoorta iyo mid ka mid ah labadiisii gacmood laga jaray.

Hilary Mutyamba ayaa ku eedeeyay dhacdadaasi iney ka dambeeyeen Al Shabaab oo uu sheegay iney madaxda ka jareen sarkaalka, horayna u qaateen hubkii uu sitay.

Wuxuu Sheegay iney kordheen weerarada gaadmada ah ama sida qarsoodiga ah loogu dilo gudaha dalkaasi saraakiisha ciidamada Kenya.

Sanadkan gudahiisa ayaa sidaan oo kale ciidamo iyo saraakiil gaarayay 40 xubin oo katiraanaa laaamaha kala duwan ee Kenya lagu dilay deegaanadan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *