Xiisada Ciraaq iyo Tirada dhimashada oo gaartay in ka badan 100 qof

Published: October 7, 2019

Militariga dalka Ciraaq ayaa markii ugu horeysay qirtay in askartooda ay khaladaad badan sameeyeen isla markaana awood xad-dhaaf ah u adeegsadeen shacabka mudaharaadka ka wada caasimada Baqdaad iyo dhawr magaalo oo ku yaal koonfurta dalkaasi.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada Ciraaq qirato dilka  loo geystay in badan oo kamid ah dhalinyarada ka qeyb qaadanaya banaanbaxyada maalmihii lasoo dhaafay socday oo ah kuwii ugu waaweynaa oo dalkaasi ka dhaca oo ay shacabka uga soo horjeedaan musuq maasuqa, shaqo-laÔÇÖaanta iyo adeegii bulshada oo meesha ka baxay.

Xiisadan iyo mudaharaadyada sii socda ayaa ah mid cadaadis weyn saartay xukuumada Raysalwasaare Adel Abdul Mahdi oo xukunka haya muddo hal sano ah, Raysalwasaaraha ayaa amray in ciidamada militariga laga saaro goobaha ay ka socdaan mudaharaadka laguna bedalo ciidamada booliiska iyo nabadsugida.

Xukuumada Ciraaq ayaa sheegtay inay baaritaan ku sameyn doonto isla markaana sharciga horkeeni doonto askarta lagu helo dilalkii dhacay  maalmihii lasoo dhaafay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *