Maraykanka oo xayiraad dul dhigay madax iyo Shirkadaha CHINA

Published: October 9, 2019

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay xayiraad dhanka VISA ama socdaalka dul dhigtay qaar kamid ah Madaxda wadanka China ee lala xariirinayo xad-gudubyada ka dhanka ah Muslimiinta China.

Maraykanka ayaa sheegay in diiwaanka Madaw (Blacklist) geliyeen 28 hayÔÇÖadaha iyo shirkadaha la shaqeeya dowlada China, waxaana kamid ah shirkadaha diiwaankan lagu daray kuwa soo saara Aaladaha ay adeegsadaan ciidamada China sida shirkada Hikvision oo soo saarta Kamerooyinka iyo Barnaamijyada computerada casriga ah ee wax lagu illaaliyo.

Shirkadaha Maraykanka isha ku hayo ayaa ah kuwa soo saara Bartnaamijyada lagu xiro computerada ee aqoonsada Wajiyada dadka, barnaamijyadaasi oo ay sirdoonka iyo ciidamada China u adeegsadaan aqoonsiga dadka ay ku raad joogaan sida Muslimiinta laga tiro badan yahay.

Dowlada China ayaa lagu sheegay inay noqotay dowladii ugu horeysay oo barnaamijyada noocaan ah u adeegsata isir-sooca iyo cadaadiska ay ku heyso muslimiinta ku nool gobalada galbeedka China ee loo yaqaan Uighurs.

Tilaabadan ay qaaday dowlada Maraykanka ayaa lagu soo beegay xili loolan iyo dagaal ganacsi uu ka dhaxeeyo labada wadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *