Turkiga oo dhaq-dhaqaaq militari ka wada xaduuda Siiriya

Published: October 9, 2019

Wasaarada Gaashaandhiga ee Turkiga ayaa sheegtay in la dhameystiray diyaargarowga hawlgalada la filayo in ciidamada Turkiga ka sameeyaan Waqooyiga dalka Siiriya gaar ahaan dhulka ay gacanta ku hayaan xoogaga Kurdida.

Diyaaradaha dagaalka ayaa habeenkii Salaasada soo galeysay duqeynmo ka geystay qeybo kamid ah dhulka Waqooyiga Siiriya gaar ahaan goobaha muhiimka ah, arrintaasi oo ay uga hortagayaan in xoogaga Kurdida ay ka xiraan wadooyinka muhiimka ah.

Isniintii lasoo dhaafay ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay inuu dalka Siiriya kala bixi doono ciidamada halkaasi ka jooga oo horey gacan u siin jiray xoogaga Kurdida.

Kurdida hubeysan ee waqooyiga Siiriya oo Maraykanka u adeegsaday la dagaalanka kooxda Daacish ayaa goÔÇÖaanka Trump ku tilmaamay mid dhabar jabin ah iyo khiyaano heshiiskii horey uga dhaxeeyey labada dhinac.

Trump oo goÔÇÖaankan qaatay kadib markii ay khadka telefonka kuwada hadleen Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa dhanka kale sheegay inuu difaaci doono Kurdida, kadib markii uu cambaareyn kala kulmay Xildhibaanada Maraykanka oo ay ku  jiraan kuwa Xisbigiisa Jamhuuriga.

Dowlada Turkiga ayaa horey u sheegtay inay dooneyso inay Waqooyiga Siiriya ka sameyso dhul Amaan ah oo ay dib u dejiso  in ka badan 2 milyan oo qaxootiga reer Siiriya ah oo hada ku sugan wadanka Turkiga, waxay sidoo kale xukuumada Ankara dooneysaa inay wiiqiso awooda xoogaga Kurdida oo ay u aragto mid khatar ku ah amnigeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *