Deni Oo dhexdhexaadinaya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Published: October 10, 2019

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaaladda Kismaayo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed u dhexeeya madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in inta uu joogo Kismaayo uu wax ka geli doono muranka siyaasadeed ee ka dhashay doorashadii maamulka Jubbaland ee dhacday bishii August ee sanadkan.

ÔÇ£waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba, Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmoÔÇØ Ayuu yiri Madaxweyne Deni

“Dowladaha xubnaha ka aha dowladda federaalka waxay rabaan midno, dowlada Soomaaliyeedna waxay rabtaa midnimo guud, waxaan rajaynayaa in maalmahan halkan la jooge wax badan la iswaydaarsan donna., culaysyada siyaasadeed ee dalka ka jirana ambaqaad u noqon doonto, in wax kasta oo kala aragti duwanaan ah xal waara laga gaari doono” ayuu sii raaciyay madaxweyne deni

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe ku tilmaamay mid sharci darro ah

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni iyo ka qeyb-galka Xafladda Caleema Saarka.

Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeyb-gelaya Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *