Farmaajo oo Taliyayaal u Magacaabay Ciidamada Lugta ee Dowladda Federaalka

Published: October 10, 2019

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay taliyaha iyo Ku-xigeenka ciidamada lugta ah ee dowladda federaalka.

Madaxweynuhu wuxuu Taliyaha ciidamada Lugta ee xooga dalka Soomaaliyeed u magacaabay Cabdixamiid Maxamed dirir, isagoo u dalacsiiyay Derejada Sarreeye Guuto

Madaxweynuhu wuxuu kaloo darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Maxamed Cali Bariise oo wareegto ugu magacaabay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise iyo Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Taliyaha cusub ee ciidamada lugta ayaa hore u ahaa Taliyihii ciidamada xooga Puntland ee PSF ee gobolka Nugaal iyo Taliyihii ciidanka booliiska gobolka Nugaal.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *