Abiy Ahmed oo ku guuleystay Bilada Nabada ee Nobel Prize

Published: October 11, 2019

Guddiga qaabilsan abaalmarinta Nobel Peace Prize ayaa maanta oo Jimce ah shaaciyey in Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed waxqabadkiisii wanaagsanaa uu yahay mid muhiim ah in lasii dhiirigeliyo.

Abiy Ahmed ayaa si weyn loogu amaanay dadaalkii uu u galay in heshiis la dhex dhigo wadamada Itoobiya iyo Eritereya oo uu muddo dheer dagaal u dhaxeeyey, waxaa sidoo kale lasoo dhaweeyey dadaalkiisii horumarinta xoriyada shacabka Itoobiya ayaa lagu yiri qoraal maanta Guddiga Nobel kasoo saaray magaalada Oslo ee dalka Norway.

Raysalwasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale kaalin fiican ka qaatay dhex dhexaadinta ururada rayidka iyo Militariga Sudan kadib markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Cumar Al Bashiir. Walow uusan Abiy Ahmed ku guuleysan dadaalo uu ugu jiray muddooyinkii danbe inuu ku dhex dhexaadiyo Dowladaha Somaliya iyo Kenya ee isku heysta kiiska badda ee horyaal Maxkamada Adduunka.

Tan iyo Khamiistii shalay ayey  ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa madaxda dalalka Geeska Afrika oo ay ku jiraan hogaamiyayaasha Somaliya iyo Kenya oo laga yaabo in markale kulan ku yeeshaan caasimada Itoobiya.

Bixinta biladan caalamiga ah [Nobel Peac Prize] ayaa soo socotay tan iyo sanadkii 1901 waxaana sanad walba lasiiyaa Shaqsiga ama ururka sanadkaas si weyn wax uga qabtay raadinta ÔÇ£NabadaÔÇØ iyo Xuquuqul Insaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *