Saciid Maxamed Faahiye ”Cidii Dawlada hub kala hortimaada, ha oggaato in lagala wareegi doono”

Published: October 11, 2019

Saciid Maxamed Faahiye Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa waxa uu sheegay in mudadii uu xafiiska joogay ay wax wayn ka qabteen arimaha Amniga, deegaanka iyo maamul dejinta. gudoomiyuhu waxa uu sheegay in ay sameeyeen qorshayaal lagu ogaanayo baahiyaha ka jira degmooyinka Gobolka Karkaar, dawladanu ay waddo dadaalo lagu daboolayo baahiyahaas, laguna daadejinayo mamaulka.


Gudoomiye Saciid Maxamed waxa uu sheegay in lagu guuleystay nidaaminta gawaarida bajaajta ah ee ka shaqeeya caasimada Gobolka Karkaar taasna ay amaanteeda leeyihiin maamulka degmada iyo laamaha amaanka, gawaaridaan ayuu sheegay in dhibaato fara badan ay ku ahyeen Magaalada, Gudoomiyuhu waxa uu tilmaamey in loo abuuray tirooyin iyo shuruuc ay ku shaqaynayaan isla markaana loo sameeyay iskaashato ay ku midaysan yihiin oo u ka taagan ka shaqaynta baahiyahooda.

Ugu danbayn Gudoomiyaha Gobolka Karkaar saciid Maxamed Faahiye waxa uu awaamiir kasoo saaray dadka isku khilaafa bogcadaha iyo kuwa hubka kala horyimaada ciidamada dawlada ”Cidii dawlada kala hortimaada hub, ha oggaadaan in lagala wareegi doono”

Ugu danabyn waxa uu sheegay in xaalada guud ee Gobolka Karkaar ay wanaagsan tahay, dhamaan gudiyadduna ay si joogto asbuuca u shiraan isagana waraystaan xaaladaha Gobolka Karkaar.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *