Turkiga oo dilay in ku dhaw 300 dagaalyahano Kurdi ah

Published: October 11, 2019

Waxaa maalintii sadexaad galay hawlgalka militari oo ay ciidamada Turkiga ka wadaan waqooyiga dalka Siiriya, kuwaasi oo doonaya inay gacanta ku dhigaan labo magaalo oo waaweyn oo ay hada maamulaan xoogaga Kurdida Siiriya ee YPG.

Wasaarada gaashaandhiga Turkiga ayaa sheegtay in hawlgalka socda lagu dilay maleeshiyaad gaaraya 277 oo ka tirsan xoogaga Kurdida oo ay ku jiraan kuwii gacan-saarka lalahaa ciidamada Maraykanka.

Dowlada Turkiga ayaa sii wada duqeynta ay la beegsaneyso deegaanada ku dhaw magaalooyinka TAL-ABYAD iyo RAS AL-AYN, gebi ahaan dhulka u dhaxeeya labadaasi magaalo oo isu jira in ka badan 100km ayey doonayaan ciidamada Turkiga inay gacanta ku dhigaan si halkaasi looga sameeyo goob ciidamada ka caagan oo ay dajiso qaxootiga Siiriya ka yimid, dhulkaasi ayaa gudaha ugu jira xadka Siiriya 30km.

Waxaase walaac weyn laga muujinayaa xaalada dadka shacabka ah ee deegaankaasi ku nool kuwaasi oo kumanaan kun oo kamid ah bilaabeen inay guryahooda isaga qaxaan.

Dalalka reer Galbeedka ayaa docda kale cabsi ka qaba in ay baxsadaan maleeshiyaadkii Daacish ee hada lagu hayo xeryaha ay maamulaan ciidamada Kurdida ee YPG oo iyagu horey taageerada uga heli jiray Maraykanka oo todobaadkan sheegay inuu ciidamadiisa halkaasi kala baxay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *