Weerar Lala beegsaday Markab IRAN leedahay

Published: October 11, 2019

Markabkan lagu magacaabo SABITI ayaa oo siday Shidaal ayaa la sheegay in gantaalo lagu dhuftay isagoo maraya meel 100km u jirta xeebta magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Afhayeenka u hadlay shirkada Maraakiibta IRAN ee (NITC) ayaa sheegay in markabka dhaawac kasoo gaaray  labo Qarax oo la rumeysan yahay inay ka dhasheen gantaalo lagu soo tuuray, walow aysan dowlada Iran weli xaqiijin cida ka danbeysa weerarkan.

Dhamaan shaqaalaha saaran Markabka ayaa la sheegay inay nabad qabaan hase yeeshee uu markabka soo gaaray burburay keenay in shidaalkii uu siday uu bada ku daato, xogtaasi oo aan weli faah faahin dhameystiran laga bixin.

Dhacdadan ayaa laga cabsi qabaa inay markale sare usii qaado xiisada u dhaxeysa IRAN iyo Sacuudiga oo isagu ku eedeeyey wadanka Iran inuu ka danbeeyey weeraradii lagu qaaday xarumaha shidaalka laga soo saaro ee dalka Sacuudiga bartamihii bishii hore ee September.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *