Caleema-Saarka Madaxweynaha Jubaland oo bilaabanaya goor dhaw.

Published: October 12, 2019

Magaalada Kismaayo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubaland waxaa saacadaha soo socda ka bilaabanaya caleem-saarka Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madax ka tirsan maamulada Dalka, Madaxweynahayaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan DFS iyo kuwa maamulada, Siyaasiyiin, hogaamiyayaal Xisbi, madax ka socota wadamada deriska ah iyo marti kale ayaa ku sugan hoolka uu ka dhacayo caleema saarka Madaxweynaha Jubaland.

Guud ahaan waxaan iyaggu caleema-saarkaan ka qaybgalin madaxda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, qaar ka midda madaxweynayaasha maamul-goboleedyada, DFS ayaa iyadu horay u burisay doorashadii ak dhacday Jubaland, waxayna dhawaan soo saartay hab-raaca doorashada Jubaland. dawlada ayaana arinkaas u aanaysay in doorashooyin kala duwan ay ka qabsoomeen jubaland.

Dhanka kale waxaa iyagu Magaalada Kismaayo ku suggan qaar ka mid ah musharaxiintii juballand ee aan ka qaybgalin doorashadii dhacday kuwaas oo dhankooda iyagunna qabtay doorasho kale, waxayna la mawqif yihiin dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *