Madaxweynaha Jubaland oo sheegay inuu ogol yahay wadahadalka Dowlada Federaalka -VIDEO

Published: October 12, 2019

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey xafladiisa caleemo-saarka ee ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu dhankiisa soo dhaweenayo Madaxda Dowlada Federaalka oo uu ixtiraamayo balse laga rabo inay iyagu diyaar u noqdaan wadahadal.

Sheikh Madobe speaks to journalists at Kismayo International Airport on November 30. The Sheikh answered questions regarding the recent liberation of Kismayo from al-Shabab and the future of the region. AU-UN IST PHOTO / TOBIN JONES.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay khilaafka ka dhashay Doorashadii Jubaland ay tahay mid aan dhex ool shacabka Jubaland balse ay tahay mid ay keentay Dowlada Federaalka, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu miiska wadahadalka la fariisto xubnaha kasoo horjeeda iyo waliba madaxda Dowlada Federaalka.

“…Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maamul Gobaleedyada iyo Siyaasiyiinta waxa isku haya waa Dastuurka, waxaa loo baahan yahay in laga wadashaqeeyo Hadii la helo Niyad wanaag, waanu illaalsan karnaa dalkeena horumarna waa gaari karnaa, ee marka hore aan muujino Niyad Wanaag Ma jirto waxaan ku muteysanay Cunaqabateyn.Waxaa mas’uuliyada iskaleh Dowlada, anaga waan u aqoonsanahay inay dowladeena tahay” ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo laga doonayo inuu ku day-do Hogaamiyaha Itoobiya ee ku guuleystay bilada Nabada oo uu fahmo inuu yimaado Kismaayo oo uu muujiyo inuu dalka hogaamiye u yahay.

Midnimada Ummada iyo Dalka Soomaaliyeed waa MUQADIS, waxaana la rabaa inagoo mideysan inaan difaacano wixii Danaheena ah

Axmed Madoobe
https://youtu.be/vOMWJZpv508

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *