Musharaxiinta Galmudug oo kasoo horjeestay Gudigga Farsamada ee DFS u xilsaartay Doorashada Galmudug.

Published: October 12, 2019

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamal Gutaale ayaa war saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen waxay ku sheeeen in magacaabidii Guddiga Farsamada Maamul u dhisida Galmudug ay tahay mid hareer marsan o Dastuurka Galmudug, ayna kala bar xubnaha Guddigaas yihiin Shaqaalaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya , qaarkoodna ay ka qeyb qaateen Ololaha Musharaxiinta qaar.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xubnaha Guddiga aanay aheyn kuwo u madax bannaan howlahooda, isla markaana gadaal laga
maamulayo, waxay sidoo kale sheegeen in aan lagala tashan bulshada Galmudug.

Waxay Musharaxiintaan isku waafaqeen in gudiggaan uu hareer marsan yahay shuruucda dalka iyo Nidaamka Federaalka ah ee dalka ka jira, taasina ay gaf ku tahay Shacabka Galmudug.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *