Shiikh Shariif: Waa ka quusanay Madaxda Xukuumada Federaalka – Video

Published: October 12, 2019

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa sheegay inuu ka raali gelinayo shacabka Jubaland cunaqabateynta ay saartay Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Raali kama nihin in cid lagu dhibo Dowladnimada, dalka waa usoo halganteen, dhibkii aad soo marteen xog ogaal baan u nahay, abaal-marintiina maaheen waxa aad kala kulanteen dowlada, laakiin ku qanca dadka Soomaaliyeed ee idiin yimid ee jecleystay inay idinka kala qeyb qaataan caleemosaarka

Shiikh Shariif oo ka hadlay farogelinta ku heyso Dowlada Federaalka maamulada dalka ka jira ayaa sheegay in loo baahan yahay in shacabka Somaaliyeed ka tashadaan sidii dalka looga saari lahaa xiisadaha Siyaasada ee hada jira.

ÔÇ£ÔǪSoomaaliya maanta marxalad muhiim ah ayey┬á mareysaa anagoo dhan ayey nooga baahan tahay sidii loo badbaadin lahaaÔǪ.ÔÇØ Ayuu yiri Shiikh Shariif.

Wuxuu sheegay in dadaalkii lasoo galay dowladnimada hada uu mugdi galay maaha inaan indhaha ka qarsano, anaga hada waa kasoo quusanay dowlada rajo xataa noogama jirto, ayuu yiri Shiikh Shariif oo ugu baaqay madaxda Puntland iyo Jubaland inay qaataan kaalinta sidii dadka la isugu keeni lahaa.

Waxaan rabnaa in Dastuurka la illaaliyo, xaquuqda shacabkana la dhowro

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubaland Axmed Madoobe isagoo sheegay in shacabka ay baahi weyn u qabaan dowlad wanaag iyo horumar.

https://youtu.be/gcH2bP7uQg4

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *